fredag, april 19, 2024

Booliska oo badalay sharaxaadii ay ka bixiyeen dilkii wiilkii Grønland lagu dilay

Subaxnimadii hore ee Axadda waxaa xaafadda Grønland ee magaaladda Oslo lagu dilay wiil soomaali ah, kaas oo da’ diisa ay boolisku ku sheegeen labaatameeyo jir. Waxaana dilka wiilkaas loo qabtay labo wiil kale oo soomaali ah, inkasta oo mid kamid ah ay boolisku maalin kadib xabsiga kasii daayeen.

Booliska Oslo ayaa isla subaxnimadii Axadda warbaahinta ka sheegay in ay u badinayaan in kiiskan dilka ah uu xiriir la leeyahay khilaaf u dhaxeeyo kooxo danbiiley ah, uuna daba socdo kiisas falal danbiyeeydo oo Oslo horey uga dhacay. Waxeyna sheegeen in marxuumka la dilay uu xubin ka ahaa mid kamid ah kooxahaas, uuna ahaa qof ay boolisku horey aqoon ugu lahaayeen. Sidoo kale labadda qof ee boolisku ay u qabteen falkan ayay labaduba sheegeen inay yihiin shaqsiyaad ay boolisku horey aqoon ugu lahaayeen.

Booliska oo hada badalay sharaxaadii hore:

Inkasta oo horey ay boolisku warbaahinta u galiyeen in kiiskan uu noqon karo khilaaf ka dhaxeeyo kooxo danbiiley ah, hadana maanta ayay madaxa qeybta danbiyada dilalka ee booliska Oslo Ingebjørg Hansen wargeyska Aftenposten u sheegtay in ilaa hada baaritaankooda ay ku cadeyn in kiiskan uu xiriir la leeyahay khilaaf ka dhaxeeyo kooxo danbiiley ah.

Ingebjørg Hansen aya sheegtay in sababta ay boolisku u sheegeen in marxuumka dhintay uu katirsanaa koox danbiiley ah, ay ku saleysneyd aqoonta ay boolisku u lahaayeen isaga. Booliskuna ay waajib ku tahay inay warbixin noocaas ah bixiyaan, si loo dajiyo dadweynaha, loona sheego in kiiskan uusan aheyn mid si kama ah ku dhacay.

Waa muhiim inaan dadweynaha dajino, xaaladddaha aan aaminsanahay in arrintan ay halis u laheyn dadka kale, ama aan u digno xaaladdaha ay waajibka nagu tahay arrintaas. Sidaas darteed ayaan dadweynaha ula wadaagnay, si aan ugu wargalino in kiiskan uusan aheyn mid si kama ah qorshe la aan ku dhacay, ayay tiri Ingebjør Hansen.

Booliska ayaa wali hoosta ka xariiqayo in kiiskan uusan wali aheyn mid kama ku dhacay.

Xigasho/kilde: Drapet på Grønland: Politiet snur om motivet.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x