fredag, mai 3, 2024

Oslo: Booliska oo labo qof oo soomaali ah u qabtay dilkii wiilka soomaaliga.

Booliska Oslo ayaa shaley xaqiijiyay in ay xabsiga dhigeen labo qof, kuwaas oo lala xiriirinayo dilkii subaxnimadii hore ee axaffa xaafadda Grønland loogu geystay wiilka soomaaliga ah ee labaatameeyo jirka ahaa.

Labadda qof ee la qabtay ayaa da’ ahaan kala jiro 31 sano, halka kan kalena uu jiro 22 sano. Waxaana labadooduba la xiray afar isbuuc oo hordhac ah, inta ay boolisku kasoo baarayaan kiiska.

Wargeyska Aftenposten oo soo xiganayo booliska ayaa sheegay in boolisku ay ninka 31-jirka ah ku eedeynayaan inuu ka danbeeyay dilka, halka 22-sano jirka kalena ay boolisku ku eedeynayaan inuu saameyn ku lahaa falka dilka ah.

Waxeyna boolisku cadeeyeen in labadda qof ee dilka loo qabtay, iyo marxuumka la dileyba ay kasoo wada jeedaan xaafaddaha Tøyen iyo Grønland ee Oslo. Waxaana dilka lala xiriirinayaa khilaaf gacan-qaad gaaray oo ka dhaxeeyo kooxo danbiiley ah oo ka howlgala xaafaddahan.

Inam Ghaous Ali oo ah qareenka 22-jirka ay boolisku ku eedeynayaan inuu saameyn ku lahaa dilka, ayaa sheegay in 22-jirku uu iska fogeeyay inuu haba yaraatee wax lug ah ama raad ah ku leeyahay dilka.

Booliska ayaa horey u sheegay in labadda qof ee kiiska dilka ah loo qabtay, iyo marxuumka geeriyoodeyba ay ahaayeen dhalinyaro ay boolisku horey aqoon ugu lahaayeen, loona xukumay kiisaska kala duwan oo la xiriira falal danbiyeedyo ka dhacay Oslo.

Sida ay NorSom News xaqiiqsaday, 31-jirka iyo 22-sano jirka loo qabtay falkan dilka ah ayaa dhalinyaro soomaali ah. Wiilka marxuumka ah ee la dilay ayaa sidoo kale ah wiil dhalinyaro soomaali ah.

Xigasho/kilde: Dette vet vi om de to som er siktet for Grønland-drapet.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x