onsdag, januar 15, 2025

7 qof oo diidmo hore heystay oo mudo aad u dheer kadib la siiyay degenaansho rasmi ah.

Sida uu qoray wargeyska Vårt land, 7 qof oo kamid ah dadka loogu yeero magangalyo-doonayaasha diidmada heysta ee aan dalkoodii lagu celin karin, ayaa la siiyay degenaansho rasmi ah. Waxaana sidoo kale jiro 46 qof oo la siiyay sharci kumeel gaar ah oo sanadkiiba hal mar la cusbooneysiiyo.

Dadkan sharciga la siiyay oo u badan dad waayeel ah oo sanado aad u badan ku noolaa Norway, ayaa kamid ah guud ahaan 140 qof oo ka faa´iideystay fursad ay bixisay xukuumadii ugu danbeysay ee Erna Solberg, gaar ahaan xisbigii KRF. Taas oo ku saabsaneyn in fursad la siiyo dadka mudadda aadka u dheereyd ku noolaa Norway, aana lagu guuleysan in dalkoodii lagu celiyo. Halkan kasii akhri warkii aan ka qornay xiligii ay fursaddan soo baxday.

UNE ayaa sida uu qoray wargeyska Vårt land ilaa hada ka shaqeysay ilaa 114 kiis oo 140-ka kiis kamid ah. Waxaana qiimeyn cusub sharci la siiyay 53 qof, kuwaas oo 7 kamid ah ay yihiin degenaansho rasmi ah, halka 46-da kalena ay ay yihiin sharci kumeel gaar ah.

Torgeir Tofte Jørgensen oo UNE madax qeybeed ka ah ayaa sheegtay in sababta ugu badan ee qaar badan oo dadkan kamid ah loo siiyay sharci kumeel gaar ah, ay tahay shaki laga muujinayo aqoonsigooda shaqsiyeed.

Sidoo kale akhri: 33 qof oo sanado badan kadib qaabkan nasiibka ah sharci magangalyo uga helay UDI-da Norway.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x