Wadaadkii la shaqeynta dumarka diiday oo shaqada laga fariisiyay.

0
124

Sida uu qoray NRK waxaa shaqada wadaadnimo ee kaniisadda laga fariisiyay Vidar Nes Mygland oo ah wadaad diiday inuu shaqada wadaadnimada kaniisadda kala shaqeeyo qof dumar ah. Halkan kasii akhri warkii aan shaley ka qornay sheekada wadaadkan.

Wadaadkan ayaa dhawaan si kumeel gaar ah looga shaqaaleysiiyay kaniisada Ørskog ee deegaanka Sunnmøre. Waxaana dood aad u badan dhaliyay hadal uu ka sheegay wargeysyada lokalka ee deegaankaas. Wuxuuna wargeyska Bygdebladet u sheegay inuu aaminsanyahay in haweenku aysan noqon karin wadaad kaniisadeed, isaga oo wargeyska kale ee Sunnmøreposten ka sheegay inuusan shaqada cibaadada ee kaniisada la sameyn karin qof dumar ah.

Madaxa kaniisadda deegaankaas ayaa hada xaqiijiyay in wadaad Vidar Nes laga fariisiyay shaqadii kumeel gaarka ah ee uu kaniisadda ka hayay.

Xigasho/kilde: Vikarprest i Ørskog tatt ut av teneste etter bråk om kvinnelege prestar.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments