fredag, april 26, 2024

Wadaad diiday inuu dumarka la shaqeeyo oo shaqada kaniisada laga ceyrin karo.

Wadaad si kumeel gaar ah looga shaqaaleysiiyay kaniisad kutaal deegaanka Sunnmøre ayaa waayi karo shaqadiisa, kadib markii uu diiday inuu la shaqeeyo dumarka wadaaddada ah ee ka shaqeeyo kaniisada. Isaga oo aaminsan in shaqada wadaadnimadu aysan aheyn mid loogu talagalay dumarka.

Wadaadkan oo lagu magacaabo Vidar Nes Mygland ayaa dhawaan si kumeel gaar ah looga shaqaaleysiiyay kaniisada Ørskog mudo sadex bilood ah. Waxaana dood aad u badan dhaliyay hadal uu ka sheegay wargeysyada lokalka ee deegaankaas, sida uu qoray NRK.

Wadaadkan ayaa wargeyska Bygdebladet u sheegay inuu aaminsanyahay in haweenku aysan noqon karin wadaad kaniisadeed, isaga oo wargeyska kale ee Sunnmøreposten ka sheegay inuusan shaqada cibaadada ee kaniisada la sameyn karin qof dumar ah.

Madaxa kaniisadda deegaanka ayaa sheegay in hadalkaas uu cawaaqib dhanka shaqada ah u yeelan karo wadaadka hadalkaas uu kasoo yeeray. Madaxa kaniisada ayaa hadalkiisa raaciyay inaysan jirin wax wadaadkaas u gaar ah oo u ogolaanayo inuu doorto inuu la shaqeyn karo qof dumar ah oo wadaad ah iyo in kale, wuxuuna raaciyay inuu waayi karo shaqada kimeelgaarka ah ee la siiyay.

Warbaahinta Norway iyo baraha bulshada ayaa arrintan maanta si aad u hadalhayo.

Xigasho/kilde: Vikarprest kan få sparken om han ikkje vil jobbe med kvinner.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x