Solberg iyo Større oo isku raacsan inaan lasoo qaadin Afghaanistaantii horey Norway looga tarxiilay

0
100
Reysulwasaare Erna Solberg. Foto: Torbjørn Kjosvold/SMK

Reysulwasaaraha Norway Erna Solberg, iyo musharaxa Reysulwasaaraha Norway ee xisbiyada mucaaradka Jonas Gahr Større ayaa isku raacsan inaan lasoo qaadin ama aan dib Norway loogu soo celin qoxootigii reer Afgaanistaan ee horey diidmada uga helay codsiyada magangalyada, lagana tarxiilay Norway.

Reysulwasaaraha Norway oo la weydiiyay su´aal ku saabsan in xaaladda amni ee dadkaas ay xiligan sii xumaan karto, ayaa sheegtay in dadkaas ay arrintaas la qabaan malaayiinta reer Afgaanistaan ee xiligan kunool Afgaanistaan. Aysana u muuqan masuuliyad gaar ah oo dowlada Norway ka saaran arrintaas.

Solberg ayaa dhanka kale sheegtay in qofka Norway laga soo celiyay, aysan ahaan karin sabab uu bar tilmaameed ugu noqdo kooxaha argagaxisada ah.

Gudoomiyaha xisbiga Ap, Jonas Gahr Større ayaa reysulwasaaraha ku taageeray arrintaas.

Xigasho/kilde: Solberg og Støre avviser å hente tilbake tvangsreturnerte afghanere.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments