Abid Raja: Imaamada masaajida koorsooyin haloo furo, arintan lagu barayo.

0
157
Wasiirka dhaqanka Norway: Abid Raja Foto: Regjeringen Foto: Ilja C. Hendel/Kulturdepartementet

Wasiirka dhaqanka Norway Abid Raja ayaa soo jeediyay in koorsooyin loo furo imaamada hogaamiyo masaajida muslimiinta Norway, kadib markii isbuucii hore shaqada laga ceyriyay imaam wax ka sheegay qowmiyada Yuhuuda iyo dowlada Isreal. Halkan kasii akhri.

Raja ayaa sheegay hadalkii kasoo yeeray imaamkaas ee wax looga sheegay Yuhuuda uu ahaa mid halis ah. Wuxuuna sheegay inay aheyd in muslimiintu ay noqdaan dadka ugu danbeeyo ee dad kale u geysta hadal naceyb xanbaarsan iyo been-abuur

Wasiirka ayaa Aftenposten u sheegay in baahi loo qabo in koorsooyin loo furo imaamyada masaajida Norway.

Abid oo asal ahaan Pakistani ah, kana tirsan xisbiga Venstre ayaa sheegay in muslimiintu ay dhibaato ku qabaan hadalo naceyb ah oo iyaga ka dhan. Ayna wax lagu xumaado ah in qof muslim ah uu wixii uu dhibta ku qabay u geysto qof kale. Isaga oo sii raaciyay in muslimiinta Norway ay ka faaftay arrin ku saabsan ineysan aragti fiican ka heysan qowmiyada Yuhuuda.

Wasiirka dhaqanka ayaa sheegay inay tahay in imaamku uu dhinaca saxda ah ka istaago taariikdha, hadii kale ay isaga tagaan shaqada imaamnimo. Wuxuuna ku daray in maamulada masaajida la saaro masuuliyad ah inay baaraan fikradaha imaamyada u shaqeeyo ay qabaan.

Xigasho/kilde: Abid Raja: – Noen imamer må skjerpe seg. Det er behov for kursing.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments