Drammen: Masaajid Imaamkiisii shaqada ka ceyriyay, kadib markii imaamka la dacweeyay

0
95
Foto: Imam

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ay soo saareen maamulka masaajidka Minhaajul Quraan, waxaa shaqada imaamnimo ay maamulka masaajidkaas ka ceyriyeen Nuur Ahmed Nuur oo 12-kii sano ee ugu danbeeyay masaajidkaas ka ahaa imaam.

wadaadkan shaqada imaamnimo laga ceyriyay ayaa waxaa horey looga gudbiyay dacwad la xiriirta hadal xanbaarsan naceyb iyo dhiirigalinta fal lagu muteysan karo ciqaab, kadib markii uu barta facebooga kusoo qooray qoraal ka dhan qowmiyada Yuhuuda iyo dowlada Israel.

Maamulka masaajidka ayaa sheegay in qoraalka imaamkaas uu ku qoray Facebooga uu ahaa mid aan loo dulqaadan karin, aana ka turjumeyn shaqada iyo mabaa´diida masaajidkaas. Sidoo kale waxey sheegeen in hadalkaas uu kasoo horjeedo shaqadii uu masaajidka bulshada iyo mujtamaca u hayay tobanaankii sano ee lasoo dhaafay.

Imaamka la dacweeyay oo la hadlay wargeyska Drammens Tidende ayaa horey raali-galin uga bixiyay qoraalka uu qoray, wuxuuna sheegay in qoraalkaas uusan ka turjumeyn aragtidiisa, balse uu ahaa mid uu qoray kadib xanaaq uu ka qaaday duqeynta ku socotay dadka kunool marinka Gazza ee Falastiin. Wuxuuna sheegay in wixii intaas ka danbeeyay uu tir-tiray qoraalkuu uu Facebooka ku qoray.

Hoos ka akhri qoraalka kasoo baxay maamulka masaajidka

Xigasho/kilde: Drammen-imam suspendert etter antisemittiske uttalelser

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments