Degmada Drammen: R.W Solberg waxey jabisay xeerarka kala fogaanshaha xanuunka Corona.

0
90
Reysulwasaare Erna Solberg Foto: Høyre/Hans Kristian Thorbjørnsen

Degmada Drammen ayaa sheegtay in reysulwasaaraha Norway Erna Solberg oo dhawaan degmadaas ku qabsatay ay jabisay xeerarka kala fogaanshaha ee looga hortago faafitaanka xanuunka Corona.

Wargeyska Drammens Tidende ayaa qoray in Ilaa 200 qof ay kasoo qeybgaleen kulankaas ololaha doorasho ee uu qabsaday xisbiga reysulwasaaraha.

Einar Sagberg oo ah dhakhtarka guud ee ayaa sheegay in kulankaas aan la ilaalin xeerka kala fogaanshaha halka mitir ee dowladu ay dajisay, si looga hortago faafitaanka feyruska Corona.

Dramennens Tidende ayaa sidoo kale qoray ineysan jirin dad masuul ka aheyd oo ilaalineysay in dadka kulankaas joogay ay kala dheeraadaan. Sidoo kalena ay reysulwasaaruhu sawiro la geleysay dad kulanka joogay oo aad ugu soo dhawaanayay.

Xoghayaha xisbiga Høyre ayaa sheegay in xisbiga Høyre uu ka baran doono, hadii ay wax qalad ah ka sameeyeen Drammen.

Xigasho/kilde: Mener Solberg og Høyre brøt smittevernreglene.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments