Tobankii(10) bishan August, waxaa albaabada loo furay goobaha codbixinta ee doorashada baarlamaanka dalkan Norway oo dhici doonto 13-ka bisha Septemper oo sidoo kale ah maalinta ugu danbeyso ee uu qofku codkiisa dhiiban karo.
Sadexdii maalin ee ugu horeysay codbixinta hordhaca ah, waxaa codkooda dhiibtay 105.094, sida lagu ogaaday tirokoob laga sameeyay goobaha codbixinta doorashada.
Inkasta oo maalinta doorashada ay tahay 13-ka bisha September, hadana dowlada ayaa dhamaan dadweynaha ugu baaqeyso inay codkooda dhiibtaan, wixii ka horeeyo maalinta doorashada, si looga feejignaado faafitaanka feyruska corona.