Wasiiro hore oo lagu heysto in shaqooyinkii ay heleen wasiirnimadda kadib aysan soo sheegin

0
103
Fabian stang Foto: Høyre

Karantenenemnda waa gudi sharciyad leh oo ay dowlada Norway u sameysay inay go´aan ka gaaraan kiisaska la xiriira boosaska shaqo ee wasiiradda iyo xubnaha dowlada katirsanaa ee xilka ka dagay.

Gudigan ayaa iyaga oo xeerinaya macluumaadka iyo xogta uu qofka wasiirka soo ahaa helay intii uu shaqada wasiirnimo hayay, waxey mamnuuci karaan in mudo xadidan uu qofka wasiirka soo noqday uu qabto shaqo xasaasi ah oo xiriir la shaqadii wasiirnimo ee uu kasoo tagay. W

Warbixin ay gudigan soo saareen ayaa lagu sheegay in afar wasiiru-dowle oo xilalkii wasiirnimo ka tagay, aysan soo gudbin xogta macluumaadka shaqooyin cusub oo ay heleen, markii ay shaqada wasiirnimo ka tageen. Wasiiru-dowlayaashan hore ee la eedeeyay ayaa kala ah: Fabian Stang, Harald Furre, Torleif Fluer Vikre iyo Frode Hestnes.

Gudiga Karantenenemnda ayaa wasiiru-dowlayaashan ku canaantay soo gudbin la´aanta xogta shaqooyinka ay heleen, hadana waxey sheegeen in kiisaskaas ay yihiin kuwo mudo ay kasoo wareegatay oo mid mid aan loo gali karin xiligan.

Khubarada qaarkood ayaa gudiga ku canaantay inay warkooda caanbaareyn kali ah ku koobeenn, aysana wax talaabo sharciyeed oo ganaax ah ama wax kale ah ka qaadin wasiiraddan la eedeeyay.

Xigasho/kilde: ire tidligere regjeringspolitikere får krass kritikk for brudd på informasjonsplikten.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments