Milkiilaha ey ilmo yar qaniinyo ku dilay oo dacwad lagu soo oogay.

0
155

Booliska magaalada Brummundal ee gobolka innlandetnee dalkan Norway, ayaa dacwad kusoo oogay milkiilaha labo(2) ey oo maalmo kahor qaniinyo ku dilay ilmo yar. Ilmaha yar ee geeriyooday ayaa da´ahaan jiray hal sano iyo bar.

Booliska ayaa sabtidii lasoo dhaafay sidoo kale kale toogasho ku dilay labada ey ee geystay qaniinyada sababtay dhimashada ilmaha yar.

Ilmaha geeriyooday ayaa booqasho ku joogay guriga qoys ay qaraabo yihiin xiliga ay qaniineen eydu. Waxeyna boolisku wali wadaan baaritaanka dhacdadan.

Xigasho/kilde: Hundeeier siktet etter at barn døde.

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments