Ma tahay qof jecel inaad guulaha nolosha iyo xalka caqabadaha la qeybsato dadka kale?

0
560

Ma tahay qof Soomaali oo markii uu Norway yimid kadib ku guuleystay inuu luuqada barto, shaqo helo, uuna bulshada ku dhexsameysto sameysto xiriiro shaqo iyo bulsheed.

Ma rabtaa inaad wadooyinkii aad martay, caqabadihii ku qabsaday, iyo sida aad u xalisay, ugana gudubtay aad la qeybsato dadka kale. Ma heysaa talooyin ku saabsan qaabka ugu wanaagsan ee qofku uu ku helo shaqo, xiriir bulsho ama luuqada uu ku baran karo.

Ururka Caritas wuxuu raadinayaa sadex qof soomaali ah oo si mutadawacnimo ah uga qeybqaato barnaamijka EnFase oo ah barnaamij taxane ah oo dhiirigalin, khibrad is weydaarasho iyo aqoon kororsi loogu sameynayo bulshooyinka soo galootiga ah.

Barnaamijkan oo luuqado kala duwan ku bixi doono, waxaa qeybtiisa Soomaaliga lagu gudbin doonaa Af Soomaali.

Hadii aad xiiseyneyso barnaamijkan ama aad su´aalo ka qabto, fadlan la xiriir

Anders Stenersen: Maamulka enFase ee Ururka Caritas. 404 28 451, E-mail: anders.stenersen@caritas.no

Ama Badriya Maxamed: 912622249

Halkan ka daawo daawo barnaamijyadii hore ee barnaamijka EnFase

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments