Dowlada: Dhamaan dadka ka imaada dalalka ka baxsan Schengen, waa inay hotell-karantiil galaan

0
81
Wasiirka Cadaalada Norway: Monica Mæland. Foto: Torbjørn Tandberg

Dowlada Norway ayaa go´aamisay in dhamaan dadka Norway uga imaada dalalka ka baxsan xeyn-daabka dalalka la isku yiraahdo Schengen(halkan ka fiiri liiska), ay waajib ku noqon doonto inay galaan hotell-ka karantiilka. Dhaqangalka sharcigan, ayaa ka bilaaban doono maalinta axada ah ee bisha May(5) ay tahay sagaal(9).

Hotell-ka karantiilka, ayaa horey waajib ugu ahaa dadka kasoo noqdo safar aan daruuri aheyn, balse dowlada ayaa hada u badashay in qof walba oo kasoo gala dalalka ka baxsan dalalka Schengen uu galo hotell-karantiilka.

Wasiiradda cadaaladda Norway, Monica Mæland ayaa sheegtay in inkasta oo tirada dadka laga helayo Covid-19, ay hoos usii dhaceyso gudaha Norway, ay xaaladaha dalalka caalamka qaarkood aad uga sii dareyso. Si gaar ah waxey u magacowday xaalada halista ah ee kajirta dalalka India, Pakistan, Nepal iyo Bangaaladeesh.

Wasiiradda ayaa sheegtay inay muhiim tahay in laga hortago noocyo cusub oo feyruska Corona ah Norway loo soo dhoofiyo.

Xigasho/kilde: Flere må på karantenehotell.

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments