Golaha Islaamka Norway: Ciidu waa maalintan.

0
127

Golaha Islaamka Norway(Islamsk Råd Norge, IRN) oo ah urur ay ku mideysanyihiin ilaa 30 urur iyo masjid oo islaami ah, ayaa sheegay in maalinta Ciida ah ee Norway la qorsheeyay inay noqoto maalinta khamiista ah ee bisha May(5) ay ku aadantahay 13,(13-05-2021).

Ururada muslimiinta ah ee Norway ayaa horey u galay heshiis ah in muslimiinta Norway ay hal maalin wada ciidaan, hal maalina wada afuraan, si looga tago dhibaatada qeybsanaanta mudo badan ka dhex taagneyd ururada muslimiinta ee ka dhisan dalkan Norway, kuna saabsaneyd maalinta koowaad ee bisha Soon-qaad iyo maalmaha ciida. Waxeyna ku heshiiyeen inay adeegsadaan Kalender isku mid ah oo looga qiyaas qaato maalinta koowaad ee bisha soon iyo maalmaha ciida.

Ururada muslimiinta ee heshiiskan ka shaqeeyay ayaa sheegay in marka laga tago faaíidada midnimada ururada islaamka Norway, ay arintan muslimiinta Norway u leedahay u fududeyn doonto inay maalin sax ah shaqada ama iskuulka fasax kasii qaataan, ama ay taariikh sax ah sii kireystaan hoolka ay ku qabsan lahaayeen xafladaha ciida, iwm.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments