Tirokoobyo dhowr ah oo ay sameysay hey´adda caafimaadka dadweynaha ee FHI, ayaa lagu sheegay in dadka ajaaniibta ah ay ugu badanyihiin dadka uu soo ritay feyruska Corona ee la dhigay isbitaalada Norway. Ajaaniibta waxaa ugu sii badan dadka kasoo jeed qawmiyadaha Pakistanta iyo Soomaalida.
Ifraax Ciyow waa kalkaaliso caafimaad oo ka shaqeysa xarunta talaalka ee mid kamid ah xaafadaha magaalada Oslo, waxaana ifraax weydiinay su´aal ku saabsan waxa sababay in soomaalidu ay ku bataan dadka la seexiyo isbitaalada Norway, marka uu Corona ku dhaco kadib.
Ifraax ayaa sidoo kale nooga warameyso fikradaha qaldan oo ay soomaalidu ka aaminsanyihiin talaalka Corona, iyo qaababka ay uga falceliyaan marka talaalkaas loo soo bandhigo. Halkan ka daawo wareysiga Ifraax oo Af soomaali ah.