Ciyaaryahan soomaali ah oo lagu daray liiska laacibiinta hibada(talent) ku leh kubadda cagta Norway.

0
116
Adan Hussein Sawirka: Bodø/Glimt

Adan Hussein waa 18 sano jir soomaali ah oo u ciyaara kooxda heysata horyaalka Norway ee Bodø/Glimt. Wuxuuna markii sanadkii hore kooxda Bodø/Glimt u saxiisay heshiis(kontrakt) ciyaaryahan oo soconayo ilaa sanadka 2023. Adan ayaa bishii august ee sanadkii hore markii ugu horeysay ka saftay horyaalka heerka koowaad ee kubadda cagta Norway.

18-jirkan soomaaliga ah, ayaa kahor inta aysan lasoo wareegin kooxda Bodø/Glimt, wuxuu katirsanaa kooxda FK Luna ee ka dhisan woqooyiga dalkan Norway, wuxuuna si fiican uga soo dhexmuuqday ciyaaraha kooxdaas, taas oo sababtay inuu soo jiito indhaha kooxda heysata horyaalka Norway ee Bodø.

Liis uu sameeyay wargeyska weyn ee Dagbladet, kuna saabsan ciyaaryahanada dhalinyarada ah ee mustaqbalka ciyaareed ku leh kubadda cagta Norway, ayaa waxaa ka dhex muuqdo Adan Hussein oo wargeyska Dagbladet uu ku sheegay inuu leeyahay hibo(talent) ciyaareed iyo mustaqbal fiican oo dhanka kubadda cagta ah.

Wargeyska Dagbladet ayaa qoray in ciyaaryahanka dhalinyarada soomaaliga ah uu sanadkii 2011 yimid Norway, asal ahaana uu Soomaali yahay. Maadaama uu hada heysto dhalashada Norway, waxaa lagu xisaabinayaa ciyaarhana Norwiiji ah, sida ku xusan maqaalka wargeyska.

Xigasho/kilde: ELITESERIENS STØRSTE TALENTER: Dagbladet har kartlagt hvem som er Eliteseriens største talenter under 21 år

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments