Xaqiijin: Xiligan ayuu soonku ka bilaaban doonaa Norway.

0
251

Golaha islaamka Norway oo ah dalada ay ku mideysanyihiin ururada muslimiinta ah ee Norway, ayaa xaqiijiyay in maalinta Talaadada beri ah oo ku aadan 13-ka bishan April ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadan. Arrintan ayaa waafaqsan heshiis ay horey u gaareen ururada muslimiinta ah ee Norway, kaas oo ujeedkiisu uu ahaa in la is waafajiyo maalmaha bilowga soonka iyo ciidaha. Halkan kasii akhri

Cabdiraxman Diiriye oo ah gudoomiyaha Golaha ururada islaamka Norway, ayaa warbaahinta NorSom News u sheegay in maalinta Talaadada ah ee Beri ay noqon doonto maalinta bisha Ramadan ee gudaha dalkan Norway. Wuxuuna muslimiinta Norway ugu bishaareeyay bilashada bisha Ramadan.

Soonkan ayaa noqon doono kii labaad ee soo gala intii lagu jiray xayiraadaha xakameynta faafitaanka Corona, waxaana muhiim ah in dadka muslimiinta ah ay ku dadaalaan ka feejignaanta qaab walba oo xanuunku uu u fidi karo inta lagu gudo jiro bisha Ramadan. Wixii macluumaad caafimaad ah oo ku saabsan gudashada soonka iyo dhibaatooyinka feyruska Covid-19, waxaan ka akhrin kartaa halkan.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments