Sandnes: Nin lagu dacweeyay dilka qooley.

0
186

Booliska magaalada Sandnes ee gobolka Rogoland ee dalkan Norway ayaa dacwad kusoo oogay nin 60-meeyo jir ah oo lagu eedeeyay dilka shimbir, nooca loo yaqaan qooleyda.

Ninkan ayaa sheegay inuu cunto u daadinayay(siinayay) shimbiro nooca loo yaqaan( boolo-boolada ah) oo ku sugan xeebta, ayna soo weerartay qooleydan uu dilay oo boob ku sameysay cuntadii uu siinayay shimbaraha kale. Waxaana la sheegay inuu qabtay mid kamid ah garbaha qooleyda, kadibna uu ku tuuray bada, halkaasna ay ku geeriyootay.

Booliska ayaa ayaa bartooda Twitterka kusoo qoray inay kiis dacwad ah kusoo oogeen ninkan waayeelka ah, oo ku eedeysan dilka shimbirtaas qooleyda ah.

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments