Abid Raja: Hooyaday ayaan ku waayay Corona-virus: Ajaaniibtu ha is ilaaliyeen.

0
48
Wasiirka dhaqanka Norway: Abid Raja Foto: Regjeringen Foto: Ilja C. Hendel/Kulturdepartementet

Wasiirka hiddaha iyo dhaqanka dowlada Norway Abid Raja ayaa shaley shaaciyay in hooyadii ay xanuunka safmarka ah ee Corona ugu geeriyootay dalka Pakistan. Wuxuuna wasiirku dadka ajaaniibta ah ka codsaday inay qaataan talaalka Corona-virus, ayna ka baaqsadaan safaradda ay ugu baxayaan dalalka dibadda ah.

Wasiirka oo asal ahaan dalka Pakistan kasoo jeedo ayaa sheegay in hooyadii uu 78-sano jir aheyd ay u geeriyootay corona, uuna awoodi waayay inuu ka qeybgalo aaskeeda, sidaas darteed uu ku qasbanaa inuu qaab muuqaal ahaan ah uga qeybgalo duugta hooyadii. Wuxuuna raaciyay in marka uu corona virus dhamaado kadib, uu booqan doono qabrigii hooyadii, si uu ubax usoo dhigo.

Raja: Ajaaniib badan ayaa talaalka diida:

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in dad badan oo ajaaniib ah ay diidaan qaadashada talaalka Coronavirus, marka lasoo waco ama loo soo bandhigo. Wuxuuna ka codsaday dadka ajaaniibta ah inay qaataan talaalka, gaar ahaana dadka waayeelka ah.

Dhanka kale wuxuu ajaaniibta ka codsaday inay ka baaqsadaan safarradda dibadda ah, si looga baaqsado faafitaanka xanuunka safmarka ah ee Corona.

Xigasho/kilde: Raja: Moren døde av corona.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments