Norway: Waxaan bogaadineynaa go´aanka Rooble, Qoor-qoor iyo Guudlaawe

0
193
Ergeyga gaarka ah ee Norway iyo reysulwasaare Rooble Foto: OPM-SOMALIA

War qoraal ah oo lagu soo daabacay bogga twitterka ee safaarada Norway ay ku leedahay Soomaaliya, ayaa lagu bogaadiyay hadalada maanta kasoo yeeray reysulwasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo labada madaxweyne ee dowlad goboleedyada Hirshabeele iyo Galmudug.

Sadexda masuul ayaa sheegay inay rabaan in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho ku saleysan heshiiskii 17-ka September, ayna kasoo horjeedaan mudo kordhinta ay baarlamaanka Soomaaliya u sameeyeen madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Norway ayaa masuuliyinta sadexda ah ku boorisay talaabada geesinimada ah, oo ay qaadeen, waxeyna dhinacyada kale ugu baaqeen in la sameeyo wax walba oo looga baaqsan karo gacan-gacal iyo cunfi. Qoraalka kasoo baxay safaarada ayaa dhanka kale lagu sheegay in Norway ay rajeyneyso in doorasho nabdoon oo daahfuran ay dhawaan ka qabsoonto Soomaaliya, si waafaqsan heshiiska 17-ka September.

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments