onsdag, april 24, 2024

Oslo: Nin toogasho ku dilay haweenay 12 milyan kr oo magdhow ah looga xukumay

Saaka aroortii waxaa xaafada Frogner ee magaalada Oslo lagu toogtay qof haweenay ah oo isla goobta geeriyootay. Booliska ayaa 10 daqiiqo kadib soo qabtay nin lagu tuhmayo inuu ka danbeeyay falkaas.

Booliska ayaa sheegay in xiriir uu ka dhaxeeyay haweeneyda la dilay oo 50-meeyo jir ah, iyo ninka dilka loo qabtay oo 30-meeyo jir ah. Waxeyna sheegeen inuu jiray socday kiis maxkamadeed oo u dhaxeeyo labadooda, kaas oo mudo dheer soo jiitamayay, kuna saabsan magdhow dhaqaale. Eedeysanaha iyo marxuumada ayaa maalinta beri ah ku balansanaa inay dacwadooda qaado maxkamada Oslo.

Maxkamada ayaa dhamaadka sanadkii hore ninka dilka geystay ku xukuntay inuu lacag magdhow ah oo 12 milyan kr gaareyso siiyo haweeneyda uu toogashada ku dilay, kadib markii ay uga guuleysatay geed-fadhiga koowaad ee maxkamada. Balse ninka 30-meeyo jirka ah, ayaa racfaan ka qaatay xukunka maxkamada.

Sida uu qoray wargeyska VG, sababta loogu xukumay inuu ninkaas lacagta magdhowga ah siiyo haweeneyda, ayaa la xiriirto inuu ahaa madaxa dhismaha labo guri oo haweeneyda uu dilay ay laheyd. Waxeyna la fuushay maxkamad, kadib markii ay sheegtay inuu siiyay talooyin qaldan, uuna si xun u dhisay guryaha ay ka codsatay inuu u dhiso. Sidoo kale waxey rahmad ahaan u qabsatay guriga uu ninkaas lahaa, ilaa uu kasoo garbaxayo ama lacagta magdhowga ah uu bixinayo.

Booliska Oslo ayaa sheegay in ilaa hada aysan wareysan eedeysanaha dilka geystay, balse sababta uu dilka u geystay ay noqon karto khilaafkaas dhaqaale ee ka dhaxeeyay.

Xigasho/kilde: Politiet undersøker motiv rundt Frogner-drapet: Drapssiktede skyldte 11,8 mill. til drepte

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x