Dowlada oo soo jeedisay in isbadal lagu sameeyo hey´adda qoxootiga ee UNE.

0
133
Foto: Regjeringen

Dowlada Norway ayaa soo jeedisay in isbadal lagu sameeyo qiimeynta kiisaska ee hey´adda UNE oo ah hey´adda looga dacwoodo go´aanada ku saabsan arrimaha qoxootiga iyo ajaaniibta ee hey´adda UDI.

Dowlada ayaa soo jeedisay in qofka kiiskiisa dacwada u dirsada UNE, la siiyo fursad uu shaqsi ahaan u hor imaado gudiga kiiskiisa go´aanka ka gaaraya ee UNE, si uu ugu sharaxo waxyaabaha ay su´aalaha ka qabi karaan, kahor inta aan go´aan kiiskiisa laga gaarin. Arrintan ayaa ayaa si gaar ah u khuseyso dadka horey u heystay dhalashada Norway, ee dib looga celiyay. Iyo dadka la go´aamiyay inay Norway ka baxaan, balse caruurta ku leh Norway.

Wasiiradda cadaalada ayaa sheegtay in muhiim tahay in macluumaadka oo dhan ay banaanka usoo baxaan, kahor inta aan go´aan laga gaarin kiiska qofka. Sidaas darteed ay muhiim tahay in qofku uu shaqsi ahaan hor imaado gudiga go´aanka gaareyso ee UNE, si uu u sharaxo waxyaabaha mugdida ay soo gali karaan.

Dowlada ayaa dhanka kale soo jeedisay in fursad la siiyo dhalinyarada da´yarta ah ee saameynta ay ku yeesheen go´aamada ay gaartay hey´adda UDI.

Dowlada ayaa hindise-sharciyeedkan hor geyn doonto golaha baarlamaanka 15-ka bisha August ee sanadkan.

Xigasho/kilde: Regjeringen gjør endringer for Utlendingsnemnda (UNE).

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments