Ehalada dadkii talaalka Corona ku geeriyooday iyo dadkii ku xanuunsaday oo magdhow dalbaday

0
145
Irbada talaalka: Nooca Denmark laga istaajiyay Foto: Alessandra Tarantino / AP

sagaal(9) qof oo todobo(7) kamid ah ay haween yihiin, halka laba(2) ay rag yihiin ayaa dalbaday magdhow, kadib markii ay dhibaatooyin kala kulmeen talaalka Corona.

Sadex kamid ah dad magdhowga dalbaday ayaa ah dad geeriyooday, markii ay qaateen talaalka. Waxaa magacooda magdhowga ku dalbaday qoysaskii ay ka tageen.

2 kaid ah dadka magdhowga dalbaday ayaa qaatay talaalka AstraZeneca, halka qof kalena uu qaatay talaalka Pfizer. 6 kamid ah dadka magdhowga dalbaday, ayaan wali sheegin nooca talaal oo ay qaateen.

Marka laga tago sadexda(3) qof ee geeriyooday, lixda(6) qof ee magdhowga dalbaday ayaa sheegay inay isku arkeen calaamado ay kamid yihiin madax xanuun, wareer iyo xanuun joogto ah, markii ay talaalka qaateen kadib. Halka dadka qaarkood ay isku arkeen dhiig-xinjirow.

Dowlada Norway ayaa horey u joojisay adeegsiga talaalka AstraZeneca, kadib markii dad kamid ah malaayiintii qof ee talaalkaas qaatay lagu arkay dhiig-xinjirow.

Xigasho/kilde: NI PERSONER HAR SØKT ERSTATNING ETTER VAKSINE.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments