Dalalkan ayay kasoo jeedaan dadka Norway iska soo dhiibay sanadkii hore: 21 qof oo soomaali ah

0
209
Foto: GettyImages

Sida lagu sheegay tirokoob ay sameysay hey´adda qoxootiga Norway, dadka kasoo dalalka Siiriya (537 qof) iyo Ereteriya (162 qof) iyo Turkiga (83) ayaa ugu badan dadka sanadkii hore iska soo dhiibay Norway, si ay magangalyo u helaan.

Turkida ugu badan ee Norway magangalyada weydiisata ayaa ah saraakiil, macalimiin iyo aqoonyahano katirsan urur-diimeed-siyaasadeedka uu hogaamiyo wadaadka Fethullah Gülen. Ururkan ayaa lala xiriirinayaa inqilaabkii fashilmay ee sanadkii 2016 la isku dayay in xilka looga tuuro madaxweynaha Turkiga, Rajab Dayib Urdugan.

Ereteriyaanka ugu badan ee Norway magangalyada weydiista ayaa kasoo carara tababarka ciidanka ee waajibka ay ka dhigtay dowlada dalkaas.

21 qof oo Soomaaliya ka timid:

Soomaalida oo sanado kahor kamid ahaan jirtay guruubyada ugu badan ee magangalyada kasoo codsado dowlada Norway, ayaa labadii sano ee ugu danbeeyay aad u yaraaday. Tirokoobka hey´adda qoxootiga, waxaa lagu sheegay in 21 qof oo Soomaaliya kasoo jeedo ay magangalyo weydiisteen Norway.

Sidoo kale waxaa Norway iska soo dhiibay 21 qof oo ka yimid dalweynaha Ethiopia. Waxaa xusid mudan in Soomaalidu ay sidoo kale kamid yihiin qawmiyadaha dega dalka Ethiopia ee Norway ama dalalka kale ee Yurub magangalyada soo weydiista.

Tirada dadka qoxootiga ah ee Norway magangalyada soo weydiistay, ayaa sanadkii hore gaaray heerkii ugu hoseeyay. Maadaama la xiray inta badan xuduudaha dalalka Yurub, sabab la xiriirta kahor tagista faafitaanka feyruska Corona awgiis.

Xigasho/kilde: Flest asylsøknader fra syrere i 2020.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments