Dhowr mar ayay dhinac-martay xeerarka Corona: Shaqada ayaa laga ceyriyay.

0
123

Dowlada hoose ee degmada Gran ee dalkan Norway, ayaa shaqada ka ceyrisay qof haweenay ah oo ka shaqeyn jirtay guri kamid ah guryaha lagu hayo dadka dhimir ahaanta naafada u ah. Haweeneydan ayaa lagu eedeeyay inay marar soo noq-noqday dhinac martay inay ilaaliso xeerarka xakameynta feyruska Corona ee degmada Gran ay u dajisay shaqaalaha dowlada hoose ee degmada.

Waxaa bishii February guriga lagu hayo dadka maskax ahaanta naafada u ah ee haweeneydan ay ka shaqeyn jirtay ka dilaacay Corona-virus, waxaana dhintay qof 50-meeyo jir ah oo kamid ah dadkii gurigaas ku noolaa.

Degmada Gran ayaa saartay gudi baaritaan ku sameeyo sida ay ku dhacday in xanuunku uu gurigaas ku faafo, waxaana baaritaanka agu ogaaday in 4 qof oo kamid ah shaqaalaha ka shaqeeyo gurigaas, uu ku dhacay Coronavirus. Waxaana Afartaas qof kamid ah haweeneyda shaqada laga ceyriyay.

Gudiga ayaa markii horeba ka cabsi qabay in qof kamid ah shaqaalaha ka shaqeeyo gurigaas uu xanuunka qaadsiiyay dadka xanuunsan ee guriga lagu hayo, iyo qofka markii danbe u geeriyooday corona.

Degmada ayaa baaritaanka kadib shaqada ka ceyrisay haweenay kamid ah shaqaalaha gurigaas ka shaqeeyo. Mana aysan sheeg-sheegin faah-faahin dheeri ah oo ku saabsan sababta shaqada looga ceyriyay, marka laga reebo in dhowr mar oo kala duwan ay hareermartay inay raacdo shuruucda ka hortaga faafitaanka Corona ee loo dajiyay shaqaalaha caafimaadka iyo xanaanada ee degmada Gran.

Xigasho/kilde: Blir sagt opp grunna smittevernmotstand.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments