Waxey tiri: Ajaaniibtu wey safar-badanyihiin yeysan safrin: Ninkeeda ayaa Pakistan u safray

0
103
Afshan Rafiq Foto: Nrk-Skjermdump

Khamiistii waxaa TV-ga qaranka Norway ee NRK ka dhacday dood looga hadlayay cabsida laga qabo in Coronavirus uu aad u kaco inta lagu gudo jiro fasaxa Påskaha. Waxaana waxyaabaha dooda looga hadlay kamid ahaa sababta keentay in feyrusku uu aad ugu badanyahay bulshada Pakistan-ta ah ee Norway kunool.

Mid kamid ah dadka ka hadlay dooda uu NRK qabtay, ayaa aheyd Afshan Rafiq oo ah siyaasiyad asal ahaan Pakistan kasoo jeedo balse katirsan golaha deegaanka Oslo, kana mid ah xisbiga Høyre. Afshan ayaa dooda ka sheegtay inay aad uga welwelsantahay in safarka tirada badan ee bulshada ajaaniibta ah ay ugu baxaan dalalka ay asal ahaan kasoo jeedeen, uu qeyb ka qaato in xanuunku sii faafo.

Afshan ayaa dadka ku boorisay inay ka baaqsadaan safar ay u aadaan dalka dibadiisa, waxeyna ku cel-celisay muhiimadda ay leedahay inaan la safrin. Iyada oo sii raacisay in qofkii dalka dibadiisa aado uu soo qaadi karo corona feyrus, uuna sii qaadsiin karo dad kale.

Ninkeeda ayaaba safar Pakistan ku aaday:

Sida lagu arkay muuqaalo lagu faafiyay baraha bulshada ninka qaba Afshan, Aamir Javed Sheikh oo isna ah siyaasi katirsan xisbiga Høyre, ayaaba safar ugu sii socday dalka Pakistan, xiliga ay iyadu Afshan ahaan dadka kale ee ajaaniibta ah ka codsaneysay inaysan dalka ka bixin oo guryahooda ay joogaan.

Muuqaalada lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya Aamir Javed Sheikh oo ka qeybgalayo xaflad nikaax aroos ah oo ka dhacday dalka Pakistan, wuxuuna sidoo kale ka xaflad nikaaxa ah oo ay kasoo qeybgaleen dad badan ka jeediyay hadal kooban.

Afshan oo la hadashay wargeyska VG ayaa sheegtay in ninkeedu uu u baxay booqashada aabihiis oo xanuunsan, isla markaana uu intii uu Pakistan joogay lagu casuumay xaflada nikaaxa ah, lagana codsaday inuu hadal jeediyo.

Aamir oo la hadlay warbaahinta ayaa dhankiisa sheegay in markii hore uu rabay inuu ka baaqdo safarkiisa, balse markii loo sheegay in xaalada aabihii ay sii xumaatay uu go´aansaday inuu baxo. Isaga oo sheegay inuu iska soo qaaday baaritaanka Corona kahor inta uusan soo bixin, uuna iska qaadi doono mar labaad inta uu dib ugu soo noqon Norway.

Baraha bulshada waxaa ka socdo hadalheynta hadalka siyaasidan katirsan Høyre, taas oo ajaaniibta kale ka codsaneyso ineysan bixin, iyada oo ogeyd in ninkeedu uu Pakistan ku maqanyahay.

Xigasho/kilde: Høyre-politiker ba folk om å ikke reise mens mannen var i Pakistan.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments