Dowlada: Qofkii u baxa safar aan daruuri aheyn, waxaa la dajinayaa Hotell uu isagu iska bixinayo.

0
155

Sida lagu sheegay shirka jara´id ee dowlada ee isbuucii tagay la qabtay, dowlada ayaa go´aamisay in qof kasta oo Norway uga baxa safar dibadda ah oo aan daruuri(muhiim) aheyn, uu marka uu soo noqdo dagi doono hotelka karantiilka oo isagu uu qarashkiisa isku qabo(Isaga ayaa iska bixinaya).

Dawladda Norway ayaa dhamaan dadweynaha kunool Norway kula talinaysa inay iska dhaafaan safarrada laga maarmi karo ee dibadda ah. Haddii aad ka soo laabato safar aan daruuri ahayn, waxaa lagu dajib doonaan hotellada karantiilka ilaa iyo inta la helayo jawaabta baaritaanka Corona oo lagu baarayo in lagaa helay Coronavirus iyo inkale.

Hadii baaritaanka lagaa qaaday uu sheegayo inaadan qabin Corona, waxaad awoodaa inaad u guurto meel aad ku dhameysato mudada karantiilka, meeshaas oo noqon doonto meel lagula ogyahay oo boolisku ay diiwaan-galin doonaan.

Macluumaadka ku saabsan safarka oo af soomaali ah, halkan kasii daalaco.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments