Sweden: Fanaan soomaali ah oo isaga xabsi kujiro loo codeeyay inuu yahay fanaanka sanadka.

0
113
Yaasiin Byn Foto: Pressbild. Bild: J. Willz

Fanaanka soomaaliga ah ee Yaasin Cabdullaahi Maxamuud oo ku magac dheer magac faneedka Yaasiin Byn ayaa ku guuleystay abaalmarinta fanaanka sanadka ee idaacada P3 ee dalka Sweden. Guuleysiga Yaasiin ayaa kusoo aaday isaga xiligan kujiro xabsiga, kuna eedeysan inuu ka danbeeyay afduub loo geystay fanaan kale oo reer Sweden ah.

Abaalmarinta Guld ee uu bixiyo Raadiyaha P3 ayaa ah mid ay dadweynuhu u codeeyaan fanaanka sanadka, waxaana ay dadweynuhu u codeeyeen Yaasiin Cabdullaahi oo kamid ah fanaaniinta heesihiisa loogu dhageysi badanyahay dalka Sweden.

Waxaa dhanka kale isbuucan maxkamada Stocklom ka bilaabatay maxkamadeynta fanaankan oo ku eedeysan danbiyo culus, waxaana maxkamada la saaran 29 qof oo kale oo boolisku ay aaminsanyihiin inay ka tirsanyihiin shabakad burcad ah oo ku howlanaan jirtay falal danbiyeedyo ay kamid yihiin afduub, caga-jugleyn, dil iyo miino-dhigis. Halkan kasii akhri

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments