Imaam masaajid 1,2 milyan masaajid ka xaday oo sanad xabsi ah lagu xukumay.

0
173
Foto: Regjeringen.no

Maxkamada gobolka innlandet ee dalkan Norway ayaa sanad xabsi ah ku xukuntay nin imaam ka ahaa masjid kuyaal gobolkaas, kadib markii lagu helay danbi ah inuu lacag gaareyso 1,2 milyan kr kala baxay koontada ururka masaajidka, uuna isagu si shaqsi ah u isticmaalay ogolaansho la´aan.

Imaamkan ayaa sidoo kale lagu xukumay inuu masaajidka uu usoo celiyo lacagti uu ka xaday oo gaareysa 1,2 milyan, uuna bixiyo lacagta ururka masaajidka uga baxday dhageysiga maxkamada.

Sadex xil iyo koontooyinka masaajidka:

Ninka la xukumay ayaa urur diimeedka masaajidkaas ku diiwaan-gashaa ka wada hayay xilalka imaan(Tujiye), Daglig leder (Maamule) iyo Styreleder( Gudoomiyaha gudiga maamulka). Wuxuuna gacanta ku hayay koontooyinka masaajidka uu ku leeyahay labo banki oo kala duwan.

Xeer ilaalinta booliska ayaa sheegay in ninkan uu lacag cadaan ah oo gaareysa 150.000 kr uu kala baxay koontada masaajidka, kadibna uu 20.000 kr ku dirsaday koontadiisa gaarka, isaga oo dhanka kalena lacag hal milyan oo kr dhaafeyso ku diray koonto uu leeyahay bankiga Cityindex oo London kuyaal.

Booliska ayaa sheegay in ninkan uu lacagta masaajidka qaar kamid ah ku iibiyay saamiyaal ay leeyihiin shirkado gaar ah(Aksje), isaga oo dhanka kalena lacagta qeyb kamid ah galiyay suuqyada sarifka.

Waxaan rabay inaan masaajidka u faa´iideeyo:

Imaanka la xukumay ayaa maxkamada ka sheegay in ujeedkiisu uu ahaa inuu masaajidka u sameeyo maalgalin, si lacagta faa´iidada ah uu masaajidku ugu gato dhul, looguna dhiso/iibiyo guri masjid laga dhigo. Wuxuuna raaciyay in arrintaas uu la qeybqaday labo nin oo kamid gudiga masaajidka, ayna siiyeen ogolaansho afka ah. Isaga oo dhanka kalena sheegay in ka gudoomiye ahaan ay maamulku masaajidka siiyeen awood uu ku qaadan karo go´aanada noocaas oo kale ah.

Ninkan ayaa maxkamada ka hor sheegay inuu khibrad u lahaa suuqyada sarifyada caalamka, uuna maamulka masaajidka ku qanciyay arrintaas, si masaajidka looga faa´iideeyo. Ayna wada galeen heshiis ah in hadii lacagta la galiyo suuqa sarifka ay qasaarto, uu ninkan shaqsi ahaan usoo celin doono masaajidka.

Gudiga masaajidka ayaa beeniyay sheegashada ninkan, waxeyna boolisku maxkamada keeneen cadeyn sheegeysa in qeyb badan oo kamid ah lacagtii la galiyay suuqa sarifyada ay qasaartay. Wixii faa´iido kasoo xaroodeyna uu isagu ku dirsan dirsaday koontadiisa gaarka ah.

Maxkamada ayaan rumeysan sharaxaada imaamka lasoo eedeeyay, waxeyna ku xukuntay hal sano oo xabsi ah, sidoo kale inuu bixiyo 1,2 milyan kr oo masaajidka uu dib ugu celiyo.

Xigasho/kilde: Imam dømt til fengsel – Kjøpte aksjer for menighetens penger.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments