Norway oo si kumeel gaar ah u joojisay nooc kamid ah talaalka Corona.

0
133
Foto: FHI

Hey´adda caafimaadka dadweynaha u qaabilsan dowlada Norway(FHI), ayaa maanta sheegtay in dowlada Norway ay joojineyso adeegsiga nooca talaalka AstraZeneca ee feyruska Corona. Arrintan ayaa daba socoto kadib markii Denmark ay joojisay adeegsiga noocan talaalka corona-ha ah, kadib markii dad daawada talaalka ah qaatay ay isku arkeen dhiig-xinjirow(Dhiig istaagis), qofna uu u geeriyooday. Halkan kasii akhri

Geir Bukholm oo ah madaxa hey´adda FHI ayaa sheegay in Norway ay joojineyso adeegsiga talaalkaas, ilaa laga ogaanayo saameynta daawada talaalka iyo xiriirka kala dhaxeeyo dadka isku arkay dhiig-xinjirowga. Isaga oo sheegay in ilaa laga ogaanayo, lagana xaqiijinayo saameynta talaalka la joojin doono adeegsigiisa.

Bukholm ayaa dhanka kale sheegay inay jiraan kumanaan qof oo qaatay nooca talaalka corona ee AstraZeneca, aana wax dhibaato ah kala kulmin. Balse sidaas oo ay taheyna ay go´aansadeen joojinta adeegsigiisa, kadib marka uu soo gaaray in Denmark ay hakad galisay adeegsiga noocan talaal.

Inta uusan soo bixin warkan kaso baxay hey´adda FHI, maamulada dhowr magaalo oo Norway ah ayaa hakad galiyay adeegsiga talaalka. Sidoo kale ilaa dhowr dal oo Yurub ayaa iyagana go´aansaday in xanibaad la saaro adeegsiga talaalka AstraZeneca.

Xigasho/kilde: FHI: Stanser bruk av AstraZeneca-vaksinen.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments