Deg-deg: Denmark iyo 5 dal kale oo Yurub oo istaajiyay adeegsiga nooc kamid ah talaalka Corona

0
136
Irbada talaalka: Nooca Denmark laga istaajiyay Foto: Alessandra Tarantino / AP

Dowlada Denmark ayaa maanta istaajisay adeegsiga talaalka AstraZenecas oo ah nooc kamid ah daawooyinka talaalka feyruska Corona. Arrintan ayaa timid markii qaar kamid ah dadka noocan talaalka ah qaatay ay isku arkeen dhiig-xinjirow(Dhiiga qof oo xinjiro noqda, istaajo). Sidoo kale waxaa lasoo sheegayaa qof dhintay, kadib marka uu talaalkan qaatay.

Reysulwasaaraha Denmark Mette Frederiksen ayaa sheegtay inay dowlada dalkaas istaajisay dhamaan adeegsiga nooca talaalka feyruska Corona ee AstraZenecas ilaa laga ogaanayo saameyntiisa iyo xiriirka uu la leeyahay dhimashada qofka geeriyooday.

Dalalka Austria, Estland, Lituania, Latvia iyo Luxemburg oo kamid ah dalalja horey u adeegsaday noocan talaalka ah

Hey´adda caafimaadka dadweynaha Norway ayaa sheegtay inay qiimeyn ku wadaan talaabada ay qaaday dowlada Denmark, ayna la tashan doonaan hey´adda daawooyinka Norway. Dhawaan ayna soo saari doonaan war arrintaas la xiriira.

Xigasho/kilde: Danmark stanser bruk av AstraZeneca.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments