Inta aan la gaarin fasaxa «Påske»-ha ee dhamaadka bishan Maarso, ilaa 90.000 qof oo laga kabo kirada guryaha(Bo-støtte) ayaa heli doono 3000 kr oo dheeraad ah oo loogu-talagalay bixinta biilka korontada oo dalkan Norway aad qaali uga noqotay bilihii ugu danbeeyay.
Arrintan ayaa daba socoto go´aan uu horey u gaaray baarlamaanka Norway, kaas oo ku saabsanaa in dowladu ay dadka laga kabo kirada guryaha siiso lacag dheeraad ah, si ay isaga bixiyaan qarashka korontada oo qaali noqday bilahan lagu jiro xiliga qaboobaha. Wuxuuna baarlamaanku arrintaas u qoondeeyay lacag gaareyso 260 milyan oo kr.
Dowlada ayaa qoondeysay in qoys walba la siiyo 2950 kr, sidoo kalena qoysaska ka kooban xubnaha badan(caruur badan) loo kordhiyo 120 kr, calaa qof.
Lacagtan ayaa dadka loogu tala-galay usoo dhici doonto bishan Maarso, waxeyna la socotaa lacagta kabka kirada guryaha( bo-støttaha).
Xigasho/kilde: 90.000 får ekstra bostøtte for å betale strømregningen.