Norway oo Israel ka diiday wada-shaqeyn arrintan la xiriirta.

0
71
Foto: Statsministerkontoret

Dowlada Norway ayaa dowlada Israel ka diiday wada-shaqeyn la xiriirta soo saarista iyo horumarinta cilmibaarista talaalka feyruska Corona, sida uu qoray wargeyska Dagens Næringsliv.

Reysulwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa bilowga bishii February waraaq usoo diray reysulwasaaraha Norway Erna Solberg, isaga oo usoo bandhigay in wada-shaqeyn ku saabsan talaalka Feyruska Corona ay dhexmarto Israel iyo dowladaha dalalka Norway, Denmark iyo Austria. Netanyahu ayaa si gaar ah Norway uga codsaday inay kala shaqeeyaan soo saarista iyo qeybinta talaalka Feyruska Corona, lana mideeyo awoodaha aqooneed iyo dhaqaale ee labada dal.

Norway oo diiday:

Sida uu qoray wargeyska DN, Norway ayaa diiday casuumaadaas ka timid Israel, halka ay yeeleen labada dal ee kale, waa Denmark iyo Austria ee. Reysulwasaarayaasha Denmark iyo Austria ayaa isbuucii hore booqasho ku joogay Israel, si ay wax uga soo bartaan hanaanka qeybinta talaalka feyruska Corona ee dowlada Israel oo lagu amaanay inay mudo yar ku talaashay 60% dadweynaha kunool dalkaas.

Reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg ayaa diidmadaas ku sababeysay in dowladu ay la tashatay khuburada caafimaadka Norway, kuwaas oo soo jeediyay talo ah inaysan jirin baahi loo qabo in Norway ay wada-shaqeyn ku saabsan talaalka Corona la yeelato dowlada Israel. Iyada oo Norway ay heshiis wada-shaqeyn talaalka ah kula jirto midowga Yurub.

Siyaasiyiin katirsan xisbiyada Frp iyo Sp ayaa dowlada ku canbaareeyay diidmadaas, waxeyna codsadeen in Norway ay mar kale ka daba-tagto arrintaas, ayna aqbasho casuumaada dowlada Israel.

Xigasho/kilde: Solberg takket nei til omfattende vaksinesamarbeid med Israel

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments