Hogaamiyihii Urur-weynaha shaqaalaha Norway oo geeriyooday

0
167
Hans-Christian-Gabrielsen. Gudoomiyaha geeriyooday Foto: LO

Hans-Christian Gabrielsen oo ah gudoomiyaha ururka ugu weyn ee mideeya ururada iyo iskaashatooyinka shaqaalaha Norway(LO:Landsorganisasjonen i Norge) ayaa geeriyooday, sida ay soo tabisay majalada ururada shaqaalaha ee Frifagbevelse.

Hans-Christian oo ahaa 53-sano jir ah ayaa sadexdii sano ee ugu danbeeyay gudoomiye ka ahaa ururka shaqaalaha, wuxuuna u geeriyooday wadne-istaag sida uu qoray wargeyska Dagbladet.

Ururka LO ayaa ah ururweynaha mideeya inta badan ururada shaqaalaha Norway, wuxuuna saameyn xoogan ku dhex-leeyahay siyaasadda Norway.

Xigasho/kilde: LO-leder Hans-Christian Gabrielsen (53) er død.

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments