Solberg: Waxaa ku sugi kara inaad Karantiil hotell ku gasho, hadii aad safarto.

0
95
Erna Solberg: Reysulwasaaraha Norway Foto: Ida Dahl Nilssen/SMK

Reysulwasaaraha Norway Erna Solberg oo maanta ka hadleysay baarlamaanka Norway, ayaa dadweynaha Norway ku dhaqan ka codsatay ineysan dibadda u aadin safar, marka la gaaro fasaxa «Påske»-ha ee dhawaan nagu soo aadan. Waxeyna sheegtay in dad badan ay ku qasbanaan doonaan inay hotell ku galaan karantiil, hadii ay doortaan inay dalka dibadiisa fasaxa kusoo qaataan.

Reysulwasaaraha oo baarlamaanka uga warbixineysay xaalada dalka iyo shaqada dowlada ee xakameynta Corona, ayaa sheegtay in qorshaha dowladu uu yahay in la bilaabo furitaanka dalka, marka la gaaro bisha Mai ee sanadkan. Waase hadii lagu guuleysto in bilaha Maarso iyo April la xakameeyo faafitaanka feyruska Corona.

Reysulwasaaraha ayaa sheegtay in dad badan oo gudaha Norway looga helay feyruska Corona, ay kasoo qaadeen wadamo dibadda ah, ama uu u keenay qof qoyskooda ka tirsan oo dalka dibaddiisa safar kaga soo noqday, taasna ay sabab u tahay dad Norway kunool oo fasax u aaday dibadda, kadibna kusoo noqday gudaha dalka. Waxeyna ka codsatay dadka Norway ku dhaqan inay qaadaan masuuliyad dheeraad ah, ayna sanadkan fasaxa ku qaataan gudaha Norway.

Solberg ayaa dhanka kale dadka Norwiijiga ah ee xiligan ku sugan ama ardeyda wax ka barata wadamadda dibadda ah ka codsatay inaysan Norway usoo safrin, ayna joogaan meeshooda ilaa xaaladu ay isbadaleyso.

Reysulwasaaraha ayaa dhanka kale sheegtay in dowladu ay mar kale ku qasbanaan doonto inay adkeyso sharciyada Corona-virus, hadii ay xaaladu isbadali weyso ama ay kasii darto.

Xiligan waxaa guud ahaan Norway, gaar ahaana magaalada Oslo aad ugu soo badanayo tirada dadka laga helay feyruska Corona ama isbitaalka u jiifo.

Xigasho/kilde: Solberg ber folk unngå reiser til andre land.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments