Norway oo sanadkii 2020 musaafurisay 10.000 qof: 192 kamid ah waa soomaali

0
102
Foto: Politiet

Sida lagu sheegay tirokoob ay soo saartay laanta booliska Norway u qaabilsan ajaaniibta, waxaa sanadkii hore Norway laga musaafuriyay dad gaarata 10.041(Kun, afartan iyo kow qof). Waxaana tirada dadka ay Norway musaafuriso sanadkii hore ku yimid kor u kac gaaraya 142%, maadaama sanadkii 2019 ay tirada dadka Norway laga celiyay ay aheyd 4157 qof.

Dadka ugu badan ee Norway laga musaafuriyay ayaa ahaa dad laga laga xuduudaha ay Sweden la leedahay Norway, sababo la xiriira xanibaada feyruska Corona. Waxeyna sanadkii 2020 Norway Sweden ku celisay dad gaaraya 2345 qof.

Dalalka kale oo ay Norway dadka u musaafurisay waxaa kamid ah: Roomaaniya(1079 qof), Poland(754 qof), Lituenia(392 qof), Siiriya(383 qof), Jermalka(362 qof), Afgaanistaan(267 qof), Yukreyn(265 qof), Ciraaq( 232 qof) iyo Ruushka(202).

192 qof soomaali ah:

Sida ku xusan warbixinta booliska, waxaa sanadkii hore Norway laga musaafuriyay 192 qof oo soomaali ah, kuwaas oo 11 qof oo kamid ah si toos ah looga dajiyay Soomaaliya. Halka kuwa kalena loo musaafuriyay dalalka kale ee Yurub, sababo kala duwan awgood.

11-ka qof ee soomaalida ah ee la tarxiilay ayaa shan kamid ah ay ahaayeen dad codsaday magangalyo, halka kuwa kalena lagu heystay arrimo kale oo Norway looga musaafuriyay.

Xigasho/kilde: Halkan ka akhri warbixinta iyo tirokoobka oo dhameystiran

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments