Dadkii ugu badnaa oo sanadkii hore ka guuray Oslo: Sababahan dartood.

0
165
Foto: T.E.F

Sanadkii lasoo dhaafay ee 2020, dadkii ugu badnaa abid ayaa ka guuray caasimadda dalkan Norway ee Oslo, iyaga oo intooda badan u guuray magaalooyinka kale ee Norway. ilaa 43.856 qof ayaa sanadkii lasoo dhaafay ka guuray magaalada, tiradaas oo ah tii ugu badneyd ee abid la diiwaan-galiyo, sida uu qoray wargeyska Aftenposten.

Sababaha ugu badan ee dadka ay uga guuraan magaalada Oslo, una doortaan magaalooyinka yar-yar iyo gobolada, ayaa waxaa kamid ah:

  1. Guryaha magaalada Oslo oo isku darsaday qaali iyo ciriiri.
  2. Qoysaska caruurta leh oo doorbida inay caruurtooda u helaan deegaan u haboon koritaanka ilmahooda, ayna ka heli karaan dhul banaan oo ay ku ciyaaraan, caruurnimadoodana ku qaataan-
  3. Shaqooyinka magaalada oo saameyn uu ku yeeshay xanuunka Corona, iyada oo dad badan ay ku adkaatay inay magaalada shaqo ka helaan Corona kadib.
  4. Xayiraada Corona oo saameyn weyn oo ka badan magaalooyinka kale ee dalka ku yeelatay dadka magaalada Oslo kunool. Gaar ahaan goobaha waxbarashada, ganacsiga, jimicsiga, tumashada(Kalaabyada)

Dadka ugu badan ee ka guura Oslo, ayaa u guura deegaanada Oslo aan ka dheereyn iyo magaalooyinka duleedka Oslo ah, sida Drammen oo kale.

Xigasho/kilde: Flyttestrøm ut av Oslo under koronaen.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments