Leysinka ayaa laga qaaday: Ma aragtaa sababta?

0
167
Foto: Politiet

Booliska magaalada Drammen ayaa leysinkii ka xayuubiyay(ka qaaday) nin 60-meeyo jir ah oo lagu arkay wadada weyn ee E18, isaga oo baabuurkiisa soo saartay birta laga taago calanka.

Birta calanka ee uu ninkan ku safrinayay baabuurkiisa ayaa Labo(2) mitir ka horeysay baabuurka, halka hal(1) mitirna ay ka danbeysay.

Boqolaal dad ah oo arkey baabuurka ninkan oo baabuurkiisa kala yimid magaalada Oslo, kuna socday magaalada Tønsberg uu deganyahay, ayaa booliska kusoo wargaliyay sawirka argagaxa ah ee ay arkeen.

Booliska ayaa ninkan uga daba tagay wadada, waxeyna ku amreen inuu baabuurka leexiyo, uuna baabuurka ka dajiyo birta calanka ee argagaxa ku diray baabuurleyda ku safrayay wadada. Madaxa howlgalada booliska Koonfur-Beri Norway, Tor-Egil Groth ayaa wargeyska VG u sheegay in dhacdadan ay tahay tii ugu xumeyd ee uu ku arko wadooyinka Norway, mudadii uu shaqada booliska kujiray.

Ninkan ayaa qirtay qaladkiisa, wuxuuna ogolaaday in boolisku ay ka qaadaan leysinka baabuur wadista.

Xigasho/kilde: FRAKTET FLAGGSTANG PÅ E18 – MISTET LAPPEN.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments