Søreide: Waxaan la hadlay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi.

0
102
Foto: WNS

Wasiiradda arrimaha dibadda dalkan Norway, Ine Eriksen Søreide ayaa maanta sheegtay inay khadka telefoonka kula xiriirtay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, iyaga oo ka wada hadlay kiiska nin soomaali ah oo heysta dhalashada Norway, kaas oo maxkamada Hargeysa ay ku xukuntay dil toogasho ah.

Wasiiradda arrimaha dibadda Norway ayaa sheegtay inay madaxweyne Muuse u gudbisay fariin cad ah oo ah inaan la aqbali karin, lana fulin karin xukunka dilka toogashada ah ee lagu xukumay muwaadinkaas Soomaali-Norwiijiga ah. Ayna u sheegtay waajibnimada in ninkaas uu helo prosses maxkamadeed oo cadalaad ah.

Waxeyna wasiiraddu sheegtay in madaxweyne Biixi uu ka balanqaaday, una xaqiijiyay in xukunka dilka ah la fulin doonin dhawaantan, isaga oo u balanqaaday in muwaadinka dilka lagu xukumay uu fursad u heli doono inuu qaato racfaan ku saabsan kiiska toogashada ah.

Wiilal uu dhalay muwaadinka dilka lagu xukumay ayaa maalmo kahor kahor codsaday in dowlada Norway, ay soo faragaliso kiiska aabahood oo 25 sano degenaa dalkan Norway, waxaana dalkan degan 7 caruur ah oo uu isagu dhalay iyo 8 caruur ah oo uu awoowe yahay(caruurtiisu ay dhaleen). Halkan kasii akhri.

Norway: Cadaadis dhinacyo badan leh.

Dowlada Norway ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday cadaadis xoogan oo Somaliland lagu saarayo wax ka qabashada kiiska 54-jirka heysta dhalashada Norway. Iyada oo Norway ay adeegsaneyso kanaalo diblomaasiyadeed iyo mid sharci. Halkan kasii akhri.

Safaaradda Norway ee Kenya oo sidoo kale qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegtay inay aad ugu howlantahay kiiska ninkan, ayna xiriiro joogto ah la sameeyaan laamaha cadaalada Somaliland, halka wasaaradda arrimaha dibadda Norway ay maalmo kahor u yeertay wakiilka Somaliland ee Norway, ayna ku wargalisay muhiimada kiiskan iyo inaan dilka lagu fulin muwaadinka heysta dhalashada Norway.

Xigasho/kilde: Norge presser Somaliland.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments