Askari loo xukumay xadgudub galmo oo u geystay gabar 17 sano jir ah.

0
98
Foto: Regjeringen.no

Nin sodomeeyo jir ah(30) oo horey uga tirsanaan jiray booliska Norway, ayaa lagu xukumay 10 bilood oo xabsi ah, kadib markii lagu helay inuu xadgudub galmo ah uu gabar 17 sano jir ah ugu geystay gudaha baabuur kamid ah kuwa boolisku ay adeegsadaan.

Riix Sawirka: Kasoo degso Mobilkaaga.

Ninkan la xukumay iyo gabadha ayaa isku bartay baraha bulshada xagaagii sanadkii 2018, sida lagu sheegay xukunka maxkamada Viken. Bishii January ee sanadkii 2019 ayuuna xadgudubkii koowaad u geystay gabadha oo markaas 17-sano jir aheyd.

Gabadha dhalinyarada ayaa bishii Maarso ee sanadkii 2019 dacwad ka gudbisay ninka booliska, wuxuuna isla sanadkaas ka tagay shaqada boolisnimo.

Marka laga tago xukunka 10-ka bilood ah, maxkamada ayaa ninkan sidoo kale ku xukuntay 50.000 kr oo magdhow uu gabadha siiyo ah.

Ninka booliska ahaa ayaa waxaa sidoo kale maxkamadu ku heshay danbi ah inuu jabiyay waajibka sir qarinta, kadib uu macluumaadka kiis dil ah oo baaritaankiisa uu qeyb ka ahaa uu diray saaxiintiisii hore(Samboer).

Xigasho/kilde: Politimann dømt for overgrep mot 17-åring.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments