lørdag, april 27, 2024

Sweden: Hadii aadan cadeyn baaritaan wadan, masoo gali kartid gudaha Sweden.

Dowlada Sweden ayaa maanta soo rogtay in dhamaan dadka raba inay xuduudkeeda soo galaan, ay wataan cadeynta baaritaanka Corona oo negativ ah. Waxaa sidaas lagu sheegay shir jaraa´id oo ay maanta qabteen xubno katirsan golaha wasiirada dowlada Sweden.

Mikael Damberg oo ah wasiirka arrimaha dibadda in xaaladda feyruska Corona ee aduunka ay wali tahay mid aan la hubin sida ay noqon doonto, sidaas darteed ay muhiim tahay in dowlada dalkiisu ay qaado talaabo ku haboon xaalada, si looga hortago in feyruska Corona, gaar ahaan noocyadiisa cusub ay ku faafaan gudaha Sweden.

Riix sawirka, si aad macluumaad dheeri ah uga ogaato App-ka.

Cadeynta baaritaanka ay dalbaneyso dowlada Sweden ayaa ah mid ay tahay in la qaaday 48-dii saac ee ugu danbeysay.

Dadka 18-ka sano, ayaa laga deynayaa shardiga inay wataan cadeyn baaritaanka Corona oo negativ ah.

Ajaaniibta kunool gudaha Sweden, iyo dadka ka shaqeeyo gaadiidka isgaarsiinta, ayaa iyagana aan kujirin dadka laga rabo cadeynta baaritaanka feyruska Corona.

Sharcigan ayaa dalka Sweden ka dhaqangalayo maalinta sabtida ah ee soo socoto, wuxuuna shaqeynayaa ilaa 31-ka bisha Maarso.

Sweden ayaa sidoo kale baaritaan xoogan ka heyso xuduudaha ay la leedahay dalka Norway, Denmark iyo Finland, si loo ilaaliyo inaysan soo gudbin dad aan marin shuruudaha baaritaanka corona ee dowlada.

Xigasho/kilde: Aftenbladet.no(Halkan ka daawo).

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
1
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x