Sweden: 277 qof oo maalmihii ugu danbeeyay u dhintay Corona-virus.

0
98
Karin Tegmark Wisell Hey´adda caafimaadka Sweden. Sawirka: SVT

Sida lagu sheegay war saxaafadeed maanta kasoo baxay hey´adda caafimaadka dowlada Sweden, waxaa maalmihii ugu danbeeyay xanuunka Corona dalkaas Sweden u geeriyooday 277 qof, taas oo tirada dadka xanuunka Corona ugu dhintay Sweden ka dhigeysa 9262 qof.

Karin Tegmark Wisell oo katirsan hey´adda ayaa sheegtay in intii lagu jiray fasaxa dhamaadka sanadka ay jireen dad badan oo u dhintay Corona, kuwaas oo aan la diiwaangalin. Balse markii baaritaan lagu sameeyay la ogaaday inay sababsadeen xanuunka Corona. Iyada oo raacisay in tiradu ay intaas kasii badan karto.

Dalka Sweden ayaa ah dalka uu xanuunka Corona Virus ku yeeshay saameynta ugu badan.

Xigasho/kilde: 277 NYE DØDSFALL I SVERIGE.

Kasoo degso Mobilkaaga.

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments