Stavanger: Nin loo xukumay kufsiga gabadhiisa oo 16 sano jir ah: 5 sano

0
180
Foto: Regjeringen.no

Maxkamada gobolka Rogoland ayaa nin 47 sano jir ah ku xukuntay shan(5) sano iyo lix(6) bilood oo xabsi ah, kadib markii lagu helay danbi ah inuu kufsi u geystay gabadhiisa oo 16 sano jir ah.

Falka ninkan loo xukumay ayaa dhacay 26-ka bishii January ee sanadkii 2019

Gabadha oo xiligaas 16 sano jir aheyd ayaa dhageysiga maxkamada ka sheegtay in xili habeenimo ah oo ay huruday, ay kusuu toostay iyada oo loo geysanayo xadgudub jinsi ah, waxeyna markiiay indhaha kala furtay aqoonsatay aabaheed oo kasii baxayo qolkeeda hurdada. Waxeyna markaas kadib khadka internetka kula xiriirtay saaxiibteed oo ay ku wargalisay arrinta ku dhacday, waxaana usoo gurmaday qoyska saaxiibteed oo si qarsoodi ah isla habeenkaasba uga bixiyay gurigeedii.

Riix-Guji Sawirka.

Kadib markii gabadha la geeyay xarunta qaabilaada ee dowlada(Motakk), ayaa laga qaaday baaritaano lagu ogaaday inay la kulantay kufsi iyo xadgudub jinsi ah.

Booliska ayaa iyagana dhankooda xabsiga dhigay aabaha dhalay gabadha, waxaana laga qaaday dheecaano DNA ah, kuwaas oo lamid noqday kuwa laga helay gabadha. Waxeyna boolisku arintaas u adeegsadeen cadeyn muujineyso inuu isagu ahaa qofka ka danbeeyay falka kufsiga ah ee loo geystay gabadhiisa 16 sano jirka aheyd.

Maxkamada gobolka Rogoland ayaa ninkaas ku xukuntay shano sano iyo lix bilood oo xabsi ah, waxaana sidoo kale lagu xukumay inuu gabadhiisa siiyo magdhow gaarayo 200.000 kr.

Aabaha 47 sano jirka ah ee dhalay gabadha ayaa iska fogeeyay danbiga lagu eedeeyey, wuxuuna racfaan ka qaatay xukunka maxkamada.

Xigasho /kilde: Mann (47) dømt for incest og voldtekt av 16 år gammel datter.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments