Muslimiinta Norway oo ku heshiiyay inay soonka iyo ciiddaha mideeyaan.

0
100
Gudoomiyaha dalada ururada muslimiinta Norway: Cabdiraxmaan Diiriye.

Sida uu qoray wargeyska Vårtland, Ururo 80 kor u dhaafayo oo kamid ah ururrada muslimiinta dalkan Norway ee maamula goobaha cibaadada, ayaa isbuucan wada saxiixday heshiis ku aadan in la mideeyo munaasabadaha bilowga soonka iyo maalmaha ciidaha.

Heshiiska ay gaareen ururada muslimiinta Norway, ayaa waxaa kasoo shaqeeyay gudi wadajir ah oo ay magacaabeen labada urur ee inta badan ay hoostagaan masaajidada muslimiinta Norway, waa golaha ururada muslimiinta Norway (IRN) iyo ururka kale ee Muslimsk Dialognettverk.

Riix-Guji Sawirka, si aad App-ka uga ogaato macluumaad dheeri ah.

Senaid Kobilica oo kamid ah gudiga arrintan kasoo shaqeeyay ayaa wargeyska Vårtland u sheegay in heshiiskan uu yahay mid taariikhi ah oo xal u ah dhibaato mudo badan soo jiitameysay.

Arrintan ayaa sida ay sheegeen gudiga kasoo shaqeeyay mashruucan, waxey meesha ka saareysaa kala qeybsanaan mudo badan ka dhex taagneyd ururada muslimiinta ee ka dhisan dalkan Norway, kuna saabsaneyd maalinta koowaad ee bisha Soon-qaad iyo maalmaha ciida. Iyada oo wixii hada ka danbeeyo la adeegsan doono hal Kalender oo looga qiyaas qaadan doono maalinta koowaad ee bisha soon iyo maalmaha ciida.

Gudiga arrintan kasoo shaqeeyay ayaa sheegay in marka laga tago faaíidada midnimada ururada islaamka Norway, ay arintan muslimiinta Norway u leedahay faa´iidooyinka kale oo nololeed. Sida ay u fududaan doonto inay maalin sax ah shaqada fasax kasii qaataan, ama ay taariikh sax ah sii kireystaan hoolka ay ku qabsan lahaayeen xafladaha ciida, iwm.

Xigasho/kilde: Historisk enighet blant norske muslimer: – Skal feire id samtidig.

.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments