Norway: Arbacadii Korea malagaa soo wacay: 200.000 qof kale ayaa kula qaba.

0
162
Foto: Digi-NN

Maalintii arbacada aheyd ee isbuucii tagay, telefoonada ilaa 200.000(Labo boqol kun) qof oo Norway kunool, ayaa waxaa laga soo wacay nambaro laga leeyahay dalka Woqooyiga Kuuriya. Waxaana arintaas lagu tilmaamay inay ka danbeeyeen koox burcad ah oo abaabulan.

Thorbjørn Busch oo ah qof xeel-dheer amniga telefoonada ayaa wargeyska VG u sheegay in qaabka ay u howlgalaan kooxaha burcada ah ee dadka kasoo waca wadamada dibadda, ay yihiin inay marka hore qofka soo wacaan, kadibna ku damiyaan. Kadibna soo wacaan, hadana ku damiyaan Iyaga oo ujeedkoodu uu yahay inay qofka dhibaan ilaa ay ugu danbeyn marka danbe ku qasbaan inuu isago soo waco.

Riix sawirka: Si aad macluumaad dheeri ah uga ogaato App-ka

Ujeedka kooxaha burcada ee dadka soo waca, ayaa ah in marka uu qofku soo waco, ay wicitaankaas ka sameeyaan lacag, maadaama telefoonka ay dadka kasoo wacaan uu yahay mid lacag ah. Waxaana halkii daqiiqaba qofka uga bixi kara boqolaal kroner.

Ilaa 8000 qof oo kamid ah 200.000 ee arbacadii lasoo wacay, ayaa ku dhacay dabinka kooxahaas burcadka-ah. Iyaga oo dib ugu celiyay telefoonadii laga soo wacay, kadibna lagu damiyay.

Shirkada Telenor ayaa sheegtay in arrintaas ay tahay mid caado noqotay, soona badaneyso sanadihii ugu danbeeyay. Waxeyna sheegeen in sanadkii lasoo dhaafay oo kali ah ay xayireen 70 milyan wicitaan oo kooxaha burcada ah ay ka danbeeyeen.

Xigasho/kilde: Svindelstorm mot nordmenn: 200.000 anrop fra telefonnumre i Nord-Kore.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments