Qorshihii dowlada ee dhameystirka talaalka oo dib u dhac uu ku imaan karo.

0
115

Dowlada Norway ayaa isbuucyo kahor sheegtay inay wado dhaqan-galinta qorshe loogu talagalay dhameystirka talaalka dadweynaha, kaas oo hadafkiisu uu yahay in dhamaan dadka ka waaweyn 18-ka sano la talaalo kahor xagaaga(sommer) sanadkan 2021. Laakiin Norway ayaa u muuqato ineysan wada heli doonin tirada daawadii talaalka ee ku filnaan kartay in dadweynaha la wada talaalo, taas oo dib u dhac u keeni karto qorshaha dowlada ee dhameystirka talaalka dadweynaha.

Hey´adda caafimaadka dadweynaha ee FHI ayaa sheegtay inay dad la hormarin doono, horutabina loo sameyn doono dadka ay da´doodu ka weyntahay 45 sano. Ahmiyad gaar ahna la siin doono dadka waayeelka ah, looguna hormarin doono.

FHI ayaa dhanka kale sheegtay in dadka ay da´doodo u dhaxeyso 18 ilaa 44 sano loo sameyn karo saf-dhaafsiin(Soo hormarin), hadii ay qabaan xanuunada qaarkood. Laakiin dadka da´ahaan ka yar 45 sano, xanuun gaar ahna aan qabin ay ku qasbanaan doonaan inay talaalka sugaan mudo ka badan, tii markii hore la qorsheeyay.

Dadka ay da´doodu u dhaxeyso 18-25 sano, aana qabin wax xanuun ah oo gaar ah, ayaa kujira xaga ugu danbeeya ee safka, waxeyna FHI sheegtay inay dhici karto inay talaalka Sugaan ilaa bisha October ee sanadkan 2021.

Xigasho/kilde: Kan bli nødt til å vente til oktober for å få vaksine.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments