tirsdag, april 23, 2024

Maxkamada Yurub oo mar kale u kala garqaadeyso hooyo soomaali ah iyo dowlada Norway.

Maxkamada xuquuqul insaanka Yurub ayaa maanta oo arbaca ah bilowday dhageysiga kiis dacwad ah oo la xiriira «barnevern», kaas u dhaxeeyo dowlada Norway iyo hooyo dhalinyaro soomaali ah. Waxeyna noqoneysaa markii labaad oo maxkamada Yurub ay qaado dacwada u dhaxeysa Norway iyo hooyadan soomaalida ah.

Hooyadan soomaalida ah, ayaa horey kiiskan uga guuleysatay dowlada Norway bishii Desember ee sanadkii 2019, kadib markii maxkamadu xuquuqul insaanka Yurub ay dowlada Norway ku xukuntay inay jabisay qodobka 8-aad ee axdiga xuquuqul insaanka Yurub. Halkan kasii akhri

Kiiska dacwada ah ee u dhaxeeyo hooyadan soomaalida ah iyo dowlada Norway, ayaa ku saabsan in wiil ay hooyadu dhashay oo laga wareejiyay xanaanadiisa, kadibna loo geeyay qoys masiixi ah oo korsada. Halka ay hooyadu sheegtay inay rabto in wiilkeeda lagu barbaariyo caqiiqada diintiisa muslimka ah iyo dhaqankiisa. Halkan kasii akhri kiiska oo aan wax uga qornay.

Sida uu horey u qoray Tv-ga qaranka Norway ee NRK, hooyadan soomaalida ayaa Norway qoxootinimo ku timid sanadkii 2010 iyada oo 16-sano jir ah, waxeyna xiligaas wadatay wiil yar oo ay dhashay oo sanadkii 2009 ku dhashay Kenya. Hey´adda barnevernka ayaa markii hore hooyadan soomaalida ah ee dhalinyarada aheyd xiligaas ka wareejiyay masuuliyada iyo korinta xanaanada wiilkeeda yar, waxaana markii danbe si qasab ah(tvangadopsjon) korintiisa loogu sharciyeeyay qoys masiixi ah.

Hooyadan ayaan dacwad ka gudbisay arintaas, iyada oo sheegtay inay rabto in wiilkeeda lagu koriyo caqiiqada diinta islaamka iyo dhaqankeeda, balse heerarka kala duwan ee maxkamadaha Norway ayaa wada diiday dacwada hooyadan soomaalida ah. Taas oo markii danbe keentay in kiiskeedu uu tago maxkamada xuquuqul insaanka Yurub.

Maxkamada xuquuqul insaanka Yurub ayaa wareegii hore ee kiiskan, dowlada Norway ku xukuntay inay jabisay qodobka 8-aad ee axdiga xuquuqul insaanka Yurub, kaas oo ku hadla xaq lahaanshaha qofka ee nolol shaqsiyeed iyo mid qoys oo u gaar ah.

Sida ay qoreyso wakaalada wararka Norway ee NTB, kadib markii kiiskii horey loo xukumay hooyada, waxey mar kale dalbatay in kiiska lagu celiyo dhageysi kale, loona gudbiyo gudiga sarre ee garsoorayaasha maxkamada Yurub. Maxkamada xuquuqul insaanka Yurub ayaana arintaas ka ogolaatay hooyada.

Gudiga sarre ee garsoorka maxkamada xuquuqul insaanka Yurub oo ka kooban 17 garsoore oo ka kala yimid dhamaan dalalka Yurub, ayaa maanta bilaabay dhageysiga dacwada u dhaxeyso hooyada soomaalida iyo dowlada Norway.

Xigasho/kilde: Norsk barnevernssak behandles i storkammer i EMD.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x