tirsdag, april 30, 2024

Facebook iyo Twitter oo xanibaad saaray Koontooyinka Trump

Donald Trump ayaa laga mamnuucay isticmaalka koontooyinka uu ku leeyahay Twitter-ka iyo Facebook, kaddib markii uu qoraal u soo qoray taageerayaashiisa weeraray dhismaha US Capitol.

Farriin uu baraha bulshada soo dhigay ayuu dibadbaxayaasha wuxuu ku yiri «Waan idiin jeclahay» kahor inta uusan ugu baaqin inay guryahooda aadaan. Wuxuu sidoo kale ku celceliyay sheegashooyin been ah oo ku saabsan in lagu shubtay doorashada.

Twitter-ka ayaa sheegay inuu doonayo in meesha laga saaro saddex qoraal oo uu soo dhigay, kuwaasoo sida uu sheegay meel ka dhac ku ahaa shuruucda iyo siyaasadda shirkadda.

Shirkadda ayaa sheegtay in akoonka madaxweynaha uu sii xirnaan doono haddii aanan laga tirin qoraalladaas.

Waxay sidoo kale shirkaddu sheegtay in haddii mar kale meel looga dhaco shuruucda Twitter-ka… ay taasi sababi doonto in gebi ahaanba la xannibo akoonka @realDonaldTrump».

Waxay tan ka dhigan tahay inay soo dhammaanayaan maalmaha Donald Trump ee isticmaalka Twitter-ka. Madaxweynaha laguma yaqaanno inuu dheg u dhigo shuruucda Twitter-ka.

Dhanka kale, Facebook ayaa muddo 24 saacadood ah xanninay akoonka Mr Trump. YouTube ayaa sidoo kale tiray muuqaalka.

Facebook ayaa yiri: «Waan ka saarnay sababtoo ah waxaan aaminsan nahay inay sii hurineyso ee aysan reebeynin qalalaasaha socda.»

Taageerayaashiisa ayaa galay xarunta Kongareeska waxayna isku dhaceen booliiska, taas oo sababtay dhimashada hal haweeney ah.

Qalalaasaha ayaa sababay in la hakiyo dooddii Kongareeska ay ka yeelanayeen guushii Joe Biden ee doorashada.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x