Booliska: wiilkan soomaaliga ah oo la waayay: Fadlan nala soo xiriira.

0
195
Sawirka: Abdullahi Dayib Mohamud. Foto: Politiet

Booliska gobolka Finnmark ee dalkan Norway ayaa raadinayo macluumaadka Abdullahi Dayib Mahamuud oo ah 21 sano jir soomaali ah, kaas oo la weysanaa tan iyo shantii(5) bishan January ee sanadkan cusub.

Sida ay boolisku sheegeen Abdullahi ayaa asal ahaan soomaali ah, balse wuxuu tan iyo sanadkii 2011 kunoolaa magaalada Hammarfest ee woqooyiga dalkan Norway.

Riix sawirka

Bjørn Tore Svendsen oo ah madaxa baaritaanka booliska ayaa sheegay in ilaa hada aysan jirin wax cadeynayo inuu dhacay fal danbiyeed lala xiriirinayo maqnaanshaha wiilkan soomaaliga ah. Wuxuuna raaciyay in booliska oo kaashanaya qoyska wiilka la la´yahay, ay marka hore baaritaan ka sameeyeen magaalada aaga Hammarfest, kadib markii ay waayeen xiriirkiisana, ay go´aansadeen inay si guud dadweynaha uga codsadaan ka caawinta helista Abdullahi.

Booliska ayaa codsanayo in qof walba oo arkay, xiriir lala sameeyay ama macluumaad ka hayo wiilkan uu xiriir lasoo sameeyo. Waxaana booliska lagala xiriiri karaa telefoonadan: 789 72 000 eller 02800.

Xigasho/kilde: Politiet etterlyser 21 år gammel mann.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments